Sunday, April 28, 2024

Kulanka Farmaajo iyo Sheekh Shariif ee Muqdisho iyo Isbaheysiga cusub ee Dastuurka

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan gaara ku yeeshay Madaxweynayaashii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka labada mas’uul oo hadda hoggaan u ah Mucaaradka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saabsnaa iskaashi ay ka yeeshaan dhammeystirka Dastuurka KMG ah oo ay ka horjeedaan iyo xoojinta isbaheysigooda mucaaradka ee cusub.

Qoraalo isku mid ah oo ay kulanka kadib soo saareen Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayey ku sheegen inay kulanka wadatashi oo ka dhacay Guriga Shariif Sheekh Axmed, ay uga wadahadleen arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka.

Ad

“Waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran. Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshadda” ayuu qoraalkood ku sheegeen Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Isbaheysiga cusub ee mucaaradka Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayaan la ogeyn siyaasiyiinta kale ee ku biiri doona, iyadoo Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ay diidan yihiin Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON