Wednesday, May 1, 2024

K/Galbeed oo qaadatay Abaal marinnadii ugu sareeyay Tartankii Qur’aanka ee Dowladda FS

Tartamayaasha kasoo jeeda maamulka K/Galbeed ayaa galay kaalimaha koowaad iyo labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka oo markii ugu horeysay uu hirgaliyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada wiil ee ugu sareeya ayaa kasoo jeeda K/Galbeed, taasoo keentay inuu hambalyo u diro Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo si gaar ah ugu hambaliyeyey Abdifatah Ahmed Mohamed oo kaalinta 1-aad galay iyo Mohamed Ibraahim Mohamed oo kaalinta 2-aad galay kuna Metelayey Tartanka Dowlada Koonfur Galbeed.

“Alle ayey mahad usugnaatay waxaan hambaliyo udireyaa dhamaan tartamayaasha ku tartamayey akhriska Quranka Kariimka ee metelayey Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si gaar ah waxaan Hambaliyo uleeyahay Abdifatah Ahmed Mohamed iyo Mohamed Ibraahim Mohamed oo metelayey Koonfur Galbeed kuna guulaystay tartanka”.

Ad

Shanta Arday ee kaalinta koowaad ka galay tartanka ayaa kala ah:

1- Cabdiftaax Axmed Maxamed %99.57

2- Maxamed Ibraahim Maxamed. %99.42

- Advertisement -

3- Xuseen Maxamed Cabdulle.99.21%

4- C/qaadir Yuusuf Maxamed 98.85%

5- Saabiriin Xasan Maxamed 98.78

- Advertisement -

Ardayga kaalinta koowaad galay ayaa abaalmarin ahaan u helay 20-kun Dollar, halka kaalinta labaad iyo saddexaad tartamayaasha galay ay kala heleen 10-kun Dollar iyo 7-kun Dollar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in tartankan Quraanka Kariimka ah, wiilsha iyo gabdhaha ka qeyb-galay, culimada hoggaamisay iyo dowladda soo qaban qaabisay ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON