Taliska Ciidamada Booliska ee Gobalka Banaadir ayaa shaaciyey howgal laga fuliyey Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo lagu soo qabtay 5 Sarkaal oo ka mida Shabakad ballaaran oo looga shakisan yahay Musuq-maasuq iyo Wax-is-dabamarin.
Musuqa ayaa ka dhacay sida Boolisku sheegay Xafiisyada Maaliyadda iyo Lacag-qabashada guud ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo bixiya adeegyada Dadweynaha.
“Kooxda shabakadda ah ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha”. ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Booliska.
Waxaa kiiskan la wareegay Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka oo diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaasha, iyadoo xubnaha hadda ku jira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan Caddaaladda.
Sidoo kale Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale oo ka tirsan Shabakaddan ku eedeysan musuqa Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho.
