Wednesday, May 1, 2024

Isxaaq Keerow: Wiil laba Qof khaarijin ku dilay, 10 Bam Gacmeedna tuuray oo Dil lagu xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil toogasho ah ku riday eedeysane Isxaaq Keerow Aadan Cali oo loo yaqaan (C/ladhiif iyo Cumar Faaruuq) oo lagu helay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana uu geysay dilal khaarijin ah iyo qaraxyo.

Isxaaq Keerow wuxuu bishii Janaayo ee sanadkan 2020 ku dilay magaalada Muqdisho Marxuum Axmed Cumar Calasow, isagoo ka mid ahaa koox fal dil ah fulisay, laakiin wuxuu sidoo kale fuliyay 10 weerar oo qaraxyo Bam Gacmeed ah oo 9 ka mida ay qarxeen.

Eedeysanaha waxaa lagu soo qabtay weerar Bam oo uu ku qaaday Laanta Horseeed ee degmada Yaaqshiid bishii May 2020, iyadoo qaraxaasi uu ku dhintay marxuum Faarax Cabdulle Cariif oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Ad

Dacwadda eedeysanaha ayaa lasoo gabgabeeyay 25-kii bishan July, waxaana maanta lagu xukumay Dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomyaha Maxkamadda Col. Xasan Cali Nuur (Shuute).

Dil-suge Isxaaq Keerow Aadan Cali oo loo yaqaan (C/ladhiif iyo Cumar Faaruuq)
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON