Sunday, May 25, 2025

Akhriso: Shuruudaha la- yaabka leh ee lagu soo rogay Dadka gudanaya Xajka Sanadkan (Sawirro)

Xajka sanadkan ayaa maanta ka bilowday dalka Boqortooyada Sacuudiga iyadoo tiradii ugu yareyd ay gudanayaan waajibaadka Xajka, isla markaana lagu soo rogay shuruudo yaab leh oo aad u adag si looga hortaga faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Maanta oo ah Arbaco iyo maalinta 8-aad ee bisha Dulxaj ayaa loo yaqaan ‘Yowmu Tarwiya’, waxaana xujeyda ka baxaan magaalada Maka iyagoo salaada subax kadib aaday magaalada MINA, iyadoo xujeyda la marsiiyey shuruudo adag.

ilaa 10-kun qof oo kaliya ayaa sanadkan ka qeyb galaya Xajka iyadoo sanadkii hore ay xajka tageen dad gaaraya 2.5 Milyan oo ruux, waxaana 7-kun oo ka mida ay yihiin Muslimiinta ku nool Sacuudiga, halka 3-da kun ee kale ay kasoo jeedaan muwaadiniinta Sacuudiga.

Ad

Xujeyda ayaa caawa ku hoyanaya magaalada MINA, waxayna Berri oo Khamiis ah, kuna beegan 9-ka bisha Dulxaj oo ah maalinta Carafo ay u kalihi doonaan bannaanka Carafa, wuxuuna xajku socon doonaa 5 maalmood.

Dowladda Sacuudiga oo qaaday tallaabooyin looga hortegayo faafitaanka cudurka Coronavirus ayaa qof waliba oo xajinaya siiyey boorso ay ku jirto qalab caafimaad oo ay ka mid yihii:n Dareeraha looga hortago faafitaanka cudurka, Dhagaxyadii la tuuri lahaa, Gafuur-xiryo, Sajaayad iyo Dallad, waxana xaaji kasta gacanta loogu xiray xarig elektronic ah oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqiisa.

Xujeyda sanadkan 1441 Hijriyada waxaa mid kasta laga baaray cudurka Coronavirus intii aysan magaalada Maka gelin, waxaana laga rabaa markii uu xajka dhammaado inay galaan karaantiil muddo 14 maalmood ah, iyadoo inta uu socdo xajka ay waajib ku tahay inay kala dheeraadaan oo aysan isu dhowaan.

- Advertisement -

Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayaa sidoo kale gudaha Xaramka ka sameysay Isbitaallo guurguura iyo kuwa rasmi ah oo la tacaala xaaladaha ka dhalan kara xajka oo uu ka mid yahay cudurka Coronavirus.

الحجاج ملزمون بالتباعد الجسدي أثناء تأدية المناسك (رويترز)
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON