Thursday, May 2, 2024

Iiraan oo dooratay Madaxweyne cusub iyo Taariikhdiisa oo kooban

Dadweynaha dalka Iiraan ayaa doortay madaxweyne cusub, kadib doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay.

Ninka lagu magacaabo Ibrahim Ra’iisi ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Jimcihii shalay ka dhacday dalka Iiraan, kaddib markii uu ka adkaaday musharraxiintii la tartameysay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa shaaciyey natiijada Doorashada Madaxweyaha dalkaasi, iyadoo la tiriyey ilaa 90% codadkii la dhiibatay, waxaana mushafaxa Ibrahim Raisi uu helay 62% (17,800,000 cod).

Ad

Madaxweynaha cusub ayaa waxaa u hambalyeeyay saddexdii musharax ee la tartamayay, waxaana uu kasoo jeeda muxaafidiinta dalka Iran ee u janjeera dhinaca diinta iyo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaasu. Raisi waa 60 jir garsoore sare, wuxuuna ku galay doorashada inuu la dagaalamyo musuqa.

Madaxweynaha la doortay ee Iran waxaa Mareykanku hore u saaray cunaqabateyn, kaddib markii lagu soo eedeeyay xadgudbay xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dil maxaabiis siyaasadeed tobaneeyo sano kahor.

Wuxuu hore ugu guuldarreystay doorashada madaxweynaha oo uu uga guuleystay madaxweynaha xilka ka degaya ee Hassan Rouhani, isagoo sanadkan 2021 ku guuleystay xilkan.

- Advertisement -

Ibrahim Raisi, wuxuu 1960 ku dhashay magaalada Mash-had ee dalka iran, waa siyaasi diineed iyo muxaafid. Wuxuuna ku soo biiray Garsoorka 1980, isgoo kasoo qabtay xilka xeer ilaaliyaha guud ilaa 1994.

Waxaa isla sanadkaas loo magacaabay madaxa hay’ada kormeerka guud, sanadkii 2004 wuxuu qabtay jagada ku-xigeenka 1aad ee hey’ada cadaalada, taasi oo uu hayey muddo 10 sano ah, kadib hogaamiyaha sare ayaa u magacaabay inuu noqdo madaxa garsoorka sanadkii 2019.

Doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 2017 ayuu ka galay kaalinta labaad, iyagoo uu kaga guuleystay madaxweynaha hadda xilka ka degaya ee Hassan Rouhani.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON