Tuesday, April 30, 2024

Hay’ada Tayo-dhowrka oo Amar kusoo rogtay Shirkadaha Alaabaha kala soo dega Muqdisho

Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ayaa soo saartay amar ku socda shirkadaha iyo ganacsatada alaabaha kala soo dega Garoonka iyo Dekadda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Tayo-dhowrka ayaa amarkan ku sheegay in lagu hubinayo alaabta tayada laheyn iyo kuwa dhacay, ee kasoo dega Dekadda iyo garoonka.

Hay’adda taya-dhowrka ayaa shirkadaha, Ganacstada, Hay’addaha caalamiga ah iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ka dalbatay inay la yimaadaan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Taya-dhowrka.

Ad

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed waxay u xil saarantahay dejinta iyo hirgelinta Halbeegyada dalka, sugidda Cabirada iyo hubinta Tayada Badeecaha iyo qalabyada kala duwan ee dalka soo gelaya ama ka dhoofaya.

Aqoonsi (accreditation), iyo Shahaado (certification) siinta, ayadoo laga dulaayo ilaalinta Tayada badeecadda, Caafimaadka iyo badqabka Bulshadda & Degaanka.

- Advertisement -

Sidaa darteed Hay’adda Tayo-Dhawrka, waxay ogaysiinaysaa dhammaan Shirkadaha iyo Ganacsatada (Importers, Hay,addaha Caalamiga (UN and all Humanitarian Agencies) iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo alaabaha kala duwan ka soo dejiya Dekadda Mugadisho iyo Airporka Aden Cadde in ay la imaadaan Shahaadada Waafaqsanaanta (Certificate of Conformity) cidi baalmarta soo qaadashada looma ogolaan doono inay soo galiso badeecadda dalka, waxayna muteysan doontaa ganaax lacageed iyo ciqaab laga bilaabo 1 bisha September, 2023.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON