Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in duqeyn culus ay galabta ka dhacday magaaladaasi, taasoo ka timid ciidamda Somaliland ee fadhiya duleedka magaalada.
Allaha u naxariistee Abwaankii caank ahaa Jaamac Kadiye ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray madfac Hoobiye ah oo ku dhacay guri uu ku sugnaa.
Jaamac Kediye Cilmi ayaa ahaa abwaan si weyn looga yaqaan Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna ku baxday colaadda Laacaanood ee u dhaxeysa dadka degaanka SSC iyo maamulka Somaliland.
Ra’iisaul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa qoraal tacsi ah soo saaray, isagoo qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u Naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Laascaanood.
Tacsida loo dirayo abwaanka ayaa qabsatay baraha bulshada, waxayna dadku dareenkooda ku cabireen geerida Abwaanka iyo dagaalka Laascaanood.