Tuesday, April 30, 2024

Guutada 14-ka Oktobar oo la hoos geeyay Taliska Booliska & Ciidamadii NISA / Xasilinta oo lag reebay Amniga Caasimadda

Golaha Wasiirada Xukuummadda Soomaaliya ayaa amniga Caasimadda hoos geeyay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya, halka markii hore uu hoostegi jiray ciidamada Nabadsugidda ee NISA.

Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)  ayaa Golaha Wasiirada u bandhigay Qaraar ku saabsan in Ciidamada Amniga caasimadda ay hoostagaan Taliska Booliiska, waxayna Golaha Wasiirada isla qaateen qorshahan oo meesha ka saaraya ciidamadii NISA ee ku howlahaa Amniga magaalada Muqdisho iyo kuwii xasilinta ee ashaamudka ahaa.

Amniga caasimadda waxaa ka qeyb qaadaya Guuto ka tirsan ciidamada Milateriga, waxayna Goloha wasiirrad fareen taliyaha Booliska Soomaaliyeed inuu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar oo markii hore milateri, laakiin u muuqata in haddal oo bedelay Boolis, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugidda amniga caasimadda.

Ad

Dhinaca kale Ciidamadii milateriga ee Guutada 14-ka Oktoobar oo la sameeyay kadib qarixii Soope,ayaa Wasaaradda Maaliyadda lagu wa-geliyay inay siiso mushaarka iyo xuquuqda kale ee ciidamada Booliska.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON