Sunday, May 5, 2024

Guddoomiye ku xigeenka Degmad Heliwaa oo ka badbaaday Qarax lagu khaarijin lahaa

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay degmada Heliwa, agaagarka Suuqa xoolaha.

Qaraxa oo ahaa kuwa baabuurta lagu xero ayaa lagu qarxiyay  Gaariga guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmada Heliwaa  Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan), isagoo ka badbaaday qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Shinemo Cabdi Waayeel iyo SOS.

Guddoomiye ku xigeenka oo la doonayay in qaraxa lagu khaarijiyo ayaa sheegay inuu aa badbaaday oo aanay waxba ka soo gaarin, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaan ku soo qabqabtay dhalinyaro halkaasi ku sugneyd.

Ad

 

Waa qarixii labaad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo qarax saaka ka dhacay  wadadda Taleex ee degamada Hodon ay laba qof ku dhaawacmeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON