Thursday, May 2, 2024

Garoonka Baraawe oo xariga laga jaray kadib dayactir lagu sameeyay (Yaa maalgeliyey…?) (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe oo dayactir lagu sameeyay.

Wafdi uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaaraha ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)  iyo mas’uuliyiin kale iyadoo si xariga laga jaray Garoonka dib loo dayactiray, lana casriyeeyay.

Garoonka Dyaaradaha Baraawe ayaa la dhagax dhigay sanadkii 2015, lakiin wuxuu dhismihiisa hakad galay in muddo ah, iyadoo markaas kadib uu kharashka dib u dhiska garoonka bixiyey Midowga Yurub oo wakiilkooda Soomaaliya uu ku sugnaa xafladda xariga looga jaray.

Ad

Xukuumadda ayaa sheegtay inuu ra’iisal wasaare Kheyre dhagax dhigay sanadkii 2017 Mashruuca dhismaha Garoonka diyaaraha Baraawe oo ay ku baxday 4.3 milyan oo doollar ayna iska kaashadeen midowga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa si weyn loo adkeeyay Amniga Baraawe oo la geeyay ciidamo badan, ayna hore ugu sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Image may contain: 10 people, people standing and suit
Image may contain: 8 people, suit
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON