Sunday, April 28, 2024

Faahfaahin: Wiil Soomaali ah oo toogasho lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada

Wiil dhalinyarro oo Soomaaliyeed ayaa lagu dilay degaanka Etobicoke ee magaalada Toronto, dalka Canada.

Wiilkan ayaa Allaha u naxariistee lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa 21 sano jir, waxaana weerarka ku qaaday koox ka kooban laba Nin oo Gaari watay Galabnimadii Sabtida.

Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in kooxda dableyda ah ay rasaas ku fureen Gaariga oo ay la socdeen Haabil iyo wiil kale, waxaana soo wada gaaray dhaawacyo, laakiin dhaawaca haaiil ayaa ahaa mid aad u darran, wuxuuna markii danbe ku geeriyooday isbitaalka.

Ad

Wiilka dhaawaciisu sahlanaa ayaa Booliska wacay oo u sheegay falka dhacay, waxaana markaas kadib la sheegay in kooxdii dilka geystay ay shil ku galeen .

Kooxda dilka geysatay ayaa gaarigii ay wateen shil ku galay waddooyinka Scarlett and Dixon, iyagoo Gaari kale ku dhacay, kadibna goobta ka baxsaday, waxayna Booliska heleen Gaarigii ay wateen iyo hubkii ay falka ku geysteen, waxaana la hayaa raadkooda.

Booliska ay sheegeen ilaa iyo hadda waxaa laga shakisan yahay in weerarka ay ka dambeeyeen laba qof oo madow ah oo da’doodu ay u dhexeyso 20 ilaa 25 sano jir.

- Advertisement -

Dilalka dhalinyarrada Soomaalida ayaa ku badan Dalka Canada, waxaana halkaasi ka jira kooxo iska horjeeda oo is ugaarsada, waxaana dagaalkaasi qarsoon lagu dilay tobanaan Somaali ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON