Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo Alshabaab ku qaaday Gurigii martida ee magaalada Baardheere.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay Baabuur aan rasaastu karin oo ka gudbay dhammaan koontarooladii Guriga Martida oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Gobolka Gedo, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac badan uu dhaliyay.
Waxaa gebi ahaan burburay Guriga oo lagu beegsaday Gaariga uu waday is-miidaamiyaha, iyadoo uu ku dhaawacmay Gudoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buule Gareed, kaasoo dhaawaciisa markii danbe loo qaaday Muqdisho.
Waxaa qaraxa ku geeriyooday dad ka badan 10 qof oo 5 ka mida ay askar yihiin iyo shacab ay waxyeeleen hoobiyeyaashii magaalada lagu weerarray. Dhaawaca ayaa sidoo kale gaaraya 15 qof oo akle. Qaraxa markuu dhacay ayaa la sheegay in isla Goobta lagu weerarray Madaadiic Hoobiyyeaal ah oo Alshabaab ku qaaden xaafado ka tirsan magaalada Baardheere.
Waxaa qaraxa ka badbaaday Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo ku sugnaa goobta qaraxa ka dhacay iyo siyaasiyiin kale.


