Alshabaab ayaa war kasoo saartay Nin wejiyo badan lahaa oo dhowaan ay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil toogasho ah, kaaoso lagu magacaabo Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax).
Ninkan oo lagu wareystay Barnamijka Gungaar ee Warbaahinta dowladda ayaa sheegay inuu Alshabaab ka tirsanaa muddo dheer, isla markaana uu ka qeyb qaatay abaabulka qaraxyo iyo falal lagu dilay dad badan.
Al Shabaab ayaa beenisay in kooxdooda amniyaadka aanu ka tirsaneyn Dr. Fanax, isla markaana aaanu ku jirin Diiwaankooda magacaasi, “Waxaan kuu xaqiijineynaa in shakhsiga lagu magacaabay Maxamad Cabdi Nuur Jiiroow Hagar ee dowladdu soo bandhigtay uusan kamid ahayn, weligiisna kamid noqonin Al-Shabaab” ayuu yiri sarkaal u hadlay Alshabaab.
Alshabaab ayaa inta badan beenisa xubnaha ka tirsan ee la qabto, lana soo taago maxkamadaha dowladda Federaalka, inkastoo ay qiraal yihiin soona bandhigaan xog badan oo aan la inkiri karin.