Thursday, May 2, 2024

Dowladda Turkiga oo saldhigii ugu horeeyay ee milateri ka dhisatay dalka Soomaaliya

Turkiga ayaa saldhigii ugu horeeyay ee ciidan oo ku yeelanayo Qaarada Afrika ka furanaya dhowaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay dhameystirtay dhismaha iyo qalabeynta saldhigeeda ciidan  oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib heshiis iskaashi milateri oo ay la saxiixatay dowladda Soomaaliya.

turkey

Ad

Saldhigan ayaa la sheegay inay ka howlgeli doonaan 200 sarkaal oo milaterige Turkiga ka mida oo u badan tababareyaal milateri ah iyo ciidamo Soomaaliya ka taageeri doona dagaalka ay  kula jirto argagixisada.

Saldhiggan oo ah kan labaad oo Turkigu ku yeesho meel ka baxsan dalkiisa, kadib saldhig uu ka furay dalka Qatar ayaa la sheegay in dhowaan uu si rasmi ah u howlgeli doono, waxaana ansixiyay Qaramada Midoobay.

turkey1

- Advertisement -

Saraakiisha Milateriga Turkiga ayaa qorshahoodu yahay inay tababaraan wejiga koowaad ilaa 10,500 askari oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa taageero milateri u fidineysay Soomaaliya 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxayna gargaar ah ugu deeqday Soomaaliya 400 Milyan oo Doolar.


Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON