Wednesday, May 1, 2024

Dowladda FS oo shaacisay tirada lagu dilay Weerarkii Alshabab ee Guriga Macaawisleyda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacado kadib War kaso saartay caawa saqda dhexe weerarkii maanta ka dhacay Guri ku yaalla degmada C/casiis ee caasimada Muqdisho oo ay ku jireen dhaawacyada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan.

Qoraalka ayey dowladu ku sheegtay in weerarka lagu dilay 10 qof, laguna dhaawacay 3 kale, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo ka mid ahaa kuwii la dagaalamay dableydii Alshabaab ee Gudaha u galay Guriga oo gaarayey 4 Nin.

Qoraalka Dowladda hoos ka akhriso

Ad

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.

Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.

- Advertisement -

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjari lahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd. Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa

Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale. Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday.

Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah. Weerarkaan ay Khawaarijtu ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee Khawaarijtu ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON