Wednesday, May 1, 2024

DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo qarxiyey Mooshinka laga wado Madaxweynaha

Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay qaabka siyaasadda dalka iyo qorshe ku saabsan mooshin laga wado xukuumadda.

Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo xalay ka hadleysay bandhigga waxqabadka xukuumadda oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegtay inuu isbedel weyn ku dhacay hoggaanka dalka iyo qaabkii mooshinnada loo keeni jiray.

Wasiiradda ayaa ku dooday in madaxweynaha laga waayay rabitaan mooshin, halka kuwii hore ay bilaabi jireen in Ra’iisal wasaaraha ay iska ridaan, iyadoo ku amaantay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha inay yihiin dad isku duuban oo maslaxadda dadka u tagaan.

Ad

“Haddii ay idinku bateen maqalka Mooshin, dad ayaan u heysataan oo dowladda ku jira sidiina ha la idinkugu yimaado….” ayay tiri wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo lagu tilmaamo wasiiradda ugu kacaansan xukuumadda Kheyre.

 DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON