Tuesday, April 30, 2024

DEGDEG: Jeneraal ka tirsan ciidamadda Xoogga oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weerar qorsheysan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ee Milateriga Soomaaliya.

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday sarkaal guri uu deganaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo magaciisa lagu sheegay Gen. Cabdulle Qururux, kaasoo la sheegay inuu ahaa ku xigeenkii hore ee Madaxa Saadka ciidamada Milateriga.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Buurdheere ee degmada Waaberi, Gobolka Banaadir, iyadoo dableyda oo bistoolado wadatay ay rasaas ku fureen sarkaalka markii ay hubsadeen inuu geeriyoodayna ay goobta ka baxsadeen.

Ad

Dableyda ayaa la sheegay inay sidoo kale isla goobta ku dileen askari ilaalo u ahaa sarkaalka, waxaana goobta markii danbe gaaray ciidamada amaanka.

Faahfaahin ku saabsan Jeneraal ka tirsanaa ciidamadda Xoogga Dalka oo lagu dilay Muqdisho

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON