Thursday, May 2, 2024

DEGDEG: Ciidamo la wareegay xarunta G/Banaadir & Ciidamadii ugu badnaa oo la dhigay Wadooyinka Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa lagu daadiyey magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ka kooban Nabadsugidda, Booliska iyo ciidamada gaarka ah ayaa gebi ahaan xiray goobaha muhiimka ah ee magaalada, waxayna la wareegeen xarunta Gobolka Banaadir, xarumaha degmooyinka, saldhigyada iyo goobaha muhiimka ah, waxayna wararku sheegayaan inay isku wareejiyeen guriga uu degan yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Tallaabadan ayaa la qaaday xalay saqdii dhexe iyadoo saaka lagu wado in lagu dhawaaqo xil ka qaadista guddoomiyaha G/banaadir oo xalay guddoomiyeyaal degmo iyo dad la soo ururiyey ay sheegeen inay guddoomiye u doorteen Gobolka Banadair labada sano ee soo socota.

Ad

Xaaladda magaalada aya saaka ah mid degan, balse ciidamadii ugu badnaa ay ku sugan yihiin wadooyinka si looga hortago bannaanbaxyo iyo xaalad ammaandarro oo timaada kadib xil ka qaadista guddoomiyaha Gobolka Bbanaadir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON