Saturday, May 4, 2024

Dadka ku dhintay Dhul-gariirkii Turkiga oo aad u kordhay iyo Wararkii ugu danbeeyay (Sawirro)

Qasaaraha ayaa sii kordhaya, kadib Dhulgariirkii ugu weynaa ee ka dhacay dalka Turkiga iyo Waqooyiga Syria ilaa sanadkii 1939-kii, waxaana dhimashada iyo dhaawaca ay gaartay kumanaan.

Dhul-gariirka oo cabirkiisu yahay 7.8 ayaa ku dhuftay gobolka Koonfurta Beri ee Kahramanmaras ee dalka Turkey iyo ilaa 4 Gobol oo ku yaalla waqooyiga Syria.

Hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga (AFAD) iyo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa sheegay in ilaa 1,5061 qof ay ku dhinteen Turkiga, in ka badan 11,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen dhul-gariirkii koowaad oo ku dhuftay bartamaha Turkey iyo waqooyiga galbeed ee Syria oo sidoo kale ay ku dhinteen in ka badan 800 qof.

Ad

Dhul-gariirkan oo dhacay saaka Aroortii hore ayaa laga dareemay dalalka Cyprus iyo Lebanon oo aad uga fog ubucda dhulka uu ka dhacay. Shaqaalaha gurmadka oo ku shaqeynaya xaalad aad u qabow iyo cimilada oo xun si ay meydadka uga soo saarana burburka oo ku baahsan gobollo badan.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay gelinkii danbe in qasaaraha dhulgariirka uu yahay mid baaxad weyn oo 2,818 dhisme ay ku burbureen dhul-gariirka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in 45 dal ay yabooheen inay gacan ka gaystaan dadaalalda gurmadka iyo raadinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON