Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxdeeda ayaa dhambaalo tacsi iyo la-qeybsi murugo u diray Dowladda Turkiga, kadib khasaare iyo waxyeeladii weyn oo ka dhashey dhulgariir ka dhacay dalkaasi.
“Dowladda Soomaaliya waxay murugada la qeybsaneysaa Dowladda iyo shacabka Turkiga oo dhulgariirkaasi ay kaga dhinteen boqolaal qof, dhaawacyo badan iyo khasaare hantiyeed intaba. Dowladda Soomaaliya waxay Ilaahay uga baryeysaa dadkii halkaasi ku dhintey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacanteyna Ilaahay u booga dhayo”. ayaa lag yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda Federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin Afka Turkiga lagu qoray soo saaray, isagoo farriintiisa ku yiri: “Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan oon uga tacsiyadeynayo Dhulgariirkii ka dhacay magaalooyin badan”.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ka tacsiyeyneysaa shacabka reer Syria ee iyaguna ku waxyeeloobay dhulgariirkan xooggan ee ka dhacay xadka labada dal ee Turkiga iyo Syria.
