Tuesday, April 30, 2024

Dabley hubeysan oo Dil khaarjin ah ka fulisay magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhow koox hubeysan ay Waqooyiga Magaalada ku dileen askari ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Degmada Kaaraan, waxaan al sheegay in wiil dhalinyaro hubeysan uu toogtay askriga oo rasaastu ka haleeshay qeybta sare ee jirka rasaas, xilli uu ka soo baxay hoygiisa oo ku yaallo Degmada Kaaraan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan dableydii dilkan gaysatay inay ka baxsadeen goobta, kadib markii ay toogteen askariga. Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Kaaraan ayaa tagay goobta lagu dilay askariga, waxayna halkaasi ka soo qaadeen maydka marxuumka la dilay.

Ad

Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON