Thursday, May 2, 2024

DAAWO: Axmed Madoobe oo difaacay ciidamada Kenya, isla markaana beeniyay eedeyntii KDF loo jeediyay

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed  Maxamed Islaam (Madoobe) oo muddo laba saddex toddobaad ku dhow ku sugan dalka Kenya ayaa beeniyay eedeyntii loo soo jeediyay ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, iyadoo Q/Midoobay iyo urur saxafiyiin oo xaqiiqo baaris ah soo bandhigay ku eedeeyeen in Ciidamada Kenya ay lacago ka qaataan dhoofinta dhuxusha iyo tahriibiinta Sonkorta sharci darrada ah.

Axmed Madoobe oo la filayay inuu difaaco Kenya wuxuu sheegay  inay been abuur iyo xaqdarro in ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya lagu eedeeyo arrimaha Dhuxusha iyo Sokorta. Wuxuu caddeeyay inay been abuur tahay warbixinta kooxda Journalists for Justice eedeyntaasna ay tahay  ceebeyn ku ah ciidamada Kenya ee ka howlgalaya Soomaaliya.

War qoraal ah oo degdeg loo sameeyay iyo shir jaraa’id oo ka dhacay Nairobi ayaa Axmed Madoobe Afhayeenkiisa uu ka akhriyay shirka jaraa’id, isagoo si weyn u difaacay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo uu sheegay inay howshooda u gutaan si nadiif ah.

Ad

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID EE AXMED MADOOBE

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON