Tuesday, April 30, 2024

Ciidamadii ugu badnaa ee Ukraine oo mar qura lagu dilay Duqeyn ay fuliyeen Ruushka

Kolonyo ciidan Ruush ah oo is daba socota ilaa 25 KM ayaa ku sinqeysa magaalada Kiev ee Caasimadda Ukraine

Duqeynta iyo dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa sii xoogeystay, kadib markii ciidamada Ruushka ay kordhiyeen duqeynta, ciidamo hor lehna u direen dalkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 9 magaalo oo ka tirsan dalka Ukriane ay dagaalladu ka socdeen, iyadoo duqeyn xoog leh ay ka wadaan ciidamada Ruushka, ee dalkaasi weerarka ku qaaday.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ciidamo ka badan 70 askari oo Ukrain ah, lagu dilay markii madaafiicda Ruushka lagu garaacay saldhig ciidan oo ku yaala Okhtyrka, oo ah magaalo u dhaxaysa Kharkiv iyo Kyiv, sida uu qoray Guddoomiyaha Gobolkaasi.

Dmytro Zhyvytskyy ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya Daaro iyo saldhiga gubtay oo dhismo afar dabaq ah iyo samatabbixiyeyaal baaraya burburka hoostiisa.

Qoraal dambe oo uu soo dhigay Facebook, ayuu ku sheegay in askar kale oo Ruush ah iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay sidoo kale ku dhinteen dagaalka.

- Advertisement -

Dhinaca kale ciidamada Ruushka ayaa isku dayaya inay go’doomiyaan caasimadda Ukraine ee Kiev oo duqeyn iyo dagaallo goosgoos ah ka socdaan, waxaana ku wajahan kolonyadii ugu weyneyd oo taxan ilaa 25 KM.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON