Waxaa maanta magaalada Beledweyne maanta ka dhacday Doorasho uu kusoo baxay hal xildhibaan oo ka harsanaa qeybtii labaad ee xildhibaannada oo Axadii lagu doortay magaaladaasi,
Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid ayaa mar kale kusoo laabtay kursiga tirsigiisu yahay HOP031, kaddib codeyn gacantaag, markii uu tartanka isaga haray musharax Aadan Cabdiraxmaan, sida uu ku dhawaaqay uddoomiyaha Guddiga SEIT Hir-Shabeelle.
Yuusuf Xuseen Gamadiid oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda iyo Xogyahaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Sharif ayaa xaalad adag kasoo wajahday kursigan, markii uu isku soo sharxay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan, isla markaana uu dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeyay magaalada Beledweyne.
Waxaa dadal dheer kadib kursigan laga reebay Musharixiin uu ka mid yahay Col. Isaaq Cali Cabdulle, iyadoo loo xiray Yuusuf Gama’diid, waxaana uu kusoo baxay sidaasi, sida kuraasta kale oo aan lagu tartımın.
Waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee kooxda Sheekh Shariif uga soo baxay Doorashada Golaha Shacabka ee magaalada Beledweyne.