Thursday, May 2, 2024

C/raxman C/Shakur oo noqday Siyaasi Qeyb ka ah Dagaalka Warbaahinta ee Imaaraadka & Sacuudiga ku hayaan dalka Qatar

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida madaxda hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda ee dalka ayaa noqday siyaasiga Soomaaliga ah ay warbaahinta Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga u adeegsadaan dagaalka warbaahineed ee kala dhaxeeya dalka Qatar.

Warbaahinta Alcarabiya iyo Skynewsarabia oo ah warbaahinta ugu waaweyn iyo telefishada ay leeyihiin Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa si joogto ah u soo xigata wararka ku saabsan cambaareynta Qatar ee uu soo qoro C/raxmaan C/shakuur, iyadoo u bedela wareysi ay la yeesheen iyo warar uu siiyey.

Warkii ugu danbeeyay ee maanta ay baahisay Alarabiya ayaa ku saabsanaa kulamadii Muqdisho ku dhex maray madaxweynayaasha maamullada K/Galbeed iyo Hirshabelle oo C/raxmaan C/shakuur uu dalka Qatar ku cambaareeyay inay ku saabsanaayeen ololaha doorashada dib u doorashada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ad

Alcarabiya iyo Skynewsarabia oo ah TV-yo waaweyn oo ay maalgeliyaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa C/raxmaan C/shakuur mararka qaar u adeegsada inay weerraraan dalka Qatar iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Somalia, waxayna ugu yeeraan hoggaamiyaha xisbiya Wadajir, iyadoo war kasta oo xirirka dowladda iyo Somalia Qatar ku saabsan uu isagu warbixin ka bixiyo, sida ay u doonayaan.

Arrintan ayaa muujineysa xiriirka siyaasiga C/raxmaan C/shakuur kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta oo hore loogu eedeeyay inuu wato siyaasiyiin uu ka mid yahay, sida Cumar C/rashiid iyo Siciid C/llaahi Deni.

Arrimahan oo dhan ayaa caddeyn u ah in loolanka dowladda Qatar oo dhinac ah iyo Imaaraadka iyo Sacuudiga oo dhinca kale ah uu weli xowli ku socodo, iyadoo Dooorashada 2020/2021 ay noqon doono masraxa musharixiinta labada dhinac kala wataan isku herdin doonaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON