Thursday, May 2, 2024

Booliska Muqdisho: Ciyaal-weeradii xaafadaha waxay isu bedeleen Burcad halis ah

Taliska Booliska ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu qaadayo xaafadaha magaalada Muqdisho, kadib falal burcadnimo ah oo ku baahay inta badan degmooyinka caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta guddoomiyey shir degega loo looga hadlayay xaalada amni darro ee ka taagan magaalada iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan in caawa laga bilaabo howlgallo amni oo xoog leh ka bilaaban doonaan magaalada Muqdisho, isagoo amni darrada Muqdisho ku eedeeyay kooxihii ciyaal-weerada ee xaafadaha oo hadda isu bedelay Burcad dhac iyo dil ka geysata magaalada.

Ad

Wuxuu u digay waalidiinta dhalay ciyaalkaasi burcadda noqday inay ceshadaan ama tallaabo adag laga qaadi doono, isagoo sidoo kale farriin u diray milkiilayaasha Mooto Bajaajta oo uu sheega inay kireeyeen, balse aysan ka war heynin waxa lagu geysto oo falal burcadnimo ah.

Amniga Muqdisho ayaa meel halis ah gaaray, markii ay si weyn ugu baaheen burcadnimo, waxaana saaka dhac Telefoon Mobile ah loo dilay Macallin jaamacadeed, xaafadda Suuq-yaraha ee degmada Dharkeynley.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON