Thursday, May 2, 2024

Bannaanbixii ugu weynaa ee lagu dalbanayo in Ciidamada Mareykanka ka baxaan Ciraaq oo ka socda Baqdaad..

Kumanaan qof ayaa isugu soo magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq iyagoo dalbanaya in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi.

Waxaa bannaanbaxa ku baaqay wadaadka Shiicada ah ee Ciraaq Muqtada Sadr waxayna arrintan timid, kadib xiisadii ka dhalatay duqeyntii Mareykanka ku dilay taliyihii ciidamada Qudus ee dalka Iiraan Jen. Qaasim Suleymaani oo ka dhacday magaalada Baqdaad.

Dadkii ugu badnaa ayaa isugu soo baxay degaanka Jaadiriya ee magaalada Baqdaad, waxaana ka qeyb galay dhammaan taageerayaasha kooxaha Shiicada Ciraaq ee hubeysan, iyadoo dadku sitaan calamada Ciraaq iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah ciidamada Mareykanka.

Ad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hore u sheegay inuusan ciidamadiisa kala baxeynin Ciraaq, iyadoo aan bixin lacag lagu dhisay Garoonka ugu weyn dalkaasi ee ciidamada, wuxuuna ugu hanjabay inuu kusoo rogi doono cunaqabateyn dhaqaale oo aan hore loo arag; taasoo jawaab u ahayd markii Baarlamaanka Ciraaq dalbaday in dalkaasi laga saaro ciidamada ajnabiga ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON