Sunday, May 5, 2024

Bannaanbax looga horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhacay Beledweyne

Bannaanbax ay soo abaabuleen taageerayaasha Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, iyadoo looga horjeeday  madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka soo bannaanbaxay ayaa socodmaray jidadka magaalada, waxay  markii danbe isugu tageen fagaaraha xarunta daraawiishta. waxayna sheegeen inay ka horjeedaan go’aanadii Madasha ee ka soo baxay shirkii magaalada Baydhabo iyo in  liiska 135 oday ee soo xulayaan xildhibaannada laga reebo Ugaas Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa halkaasi ereyo lidi ku ah laga soo jeediyay, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ay madaxweyne dusha uga tuureen canbaareyn iyo eedeyn wada socda.

Ad

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON