Wednesday, May 1, 2024

Askari Dil geystay oo laga soo qabtay Dalka Koonfurta Sudan, lagana soo dejiyay Muqdisho

Taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay in maanta garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyey Askari baxsad ahaa oo dil ka geystay Muqdisho, kadibna dalka isaga cararray.

Askarigan ayaa laga soo qabtay dalka Koonfurta Suudaan, kadib markii iskaashi dhex maray Booliska Soomaaliya iyo Hay’adda Booliska Adduunka xiriirisa ee InterPol, taasoo sahashay in gacanta lagu soo dhigo dembiilaha laguna soo celiyo Muqdisho.

“Diyaarad sidda eedeysane dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan inuu 28 July, 2022, degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xiddigle Boolis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa dhawaan soo caga dhigtay garoonka diyaarada caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Ad

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in xeeri laalinta ciidamada laga dacweeyay eedeysane Zakariye Cali, kadibna iskaashi dhex maray Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska caalamiga ah ee (Interpol) ay fududeysay in eedeysanahan laga soo qabto dalka Koofurta Sudan.

“Tani ayaao caddeyn u ah in cidna aanay ka dhuuman Karin awoodda sharciga. Garoonka waxaa ku sugnaa Ehelada Marxuumka, saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Interpol iyo masuuliyiin kale”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON