Wednesday, May 1, 2024

Ashabaab oo War yaab leh kasoo saartay Cidda dishay Nabaddoonadii Beesha Baadicadde

Warbaahinta Alshabaab ayaa iska fogeysay in qaraxa uu ku dhintay Nabaddoono uu hoggaaminayey Nabaddoonka ay ka danbeyeen, balse waxay sheegeen in lagu duqeyn diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Qaraxa ku sheegay inuu ahaa Miino loo dhigay Gaariga ay la socdeen Nabaddoonada oo ay Alshabaab ku dhigtay, laguna shirqoolay, laakiin warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay fulisay Diyaarad Drone ah.

Gaariga ay la socdeen Nabaddonnada uu hoggaaminayey Nabaddoon Yuusuf Fiidoow oo ahaa nabadoonka Jufada Maamiye ee beesha Baadicadde ayey Alshabaab ku doodeen inuu ka dhacay degaan ay maamulaan, ayna fulisay Diyaarad.

Ad

Nabadoonka iyo dadka la dhintay oo uu ka mid ahaa wiil uu dhalay ayaa kasoo safray degmada Baladweyne waxaana ay u socdeen degaanka Buq-Aqable ee isla gobolka Hiiraan oo ah xarun weyn oo Alshabaab ku leedahay Gobolka Hiiraan.

Qaraxa qabsaday gaariga Nabadoonnada la socdeen ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa degaanada Samatare iyo Aqabadeey ee Galbeedka Baladweyne, waxayna Alshabaab ku doodeysaa in marka Gaariga nabaddoonada u gudbiyeen degaanada Alshabaab ay diyaaraddu beegsatay.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo odayaasha la dilay ay metelaan ayaa sheegay in qaraxa Gaariga ku dhacay aysan ogeyn, balse ay qiyaasayaan in dhulka ay miinooyin ku aaseen, ayna ku dhinteen odayaasha Beeshiisa, iyadoo ay Alshabaab ay diideen in loo gurmado.

- Advertisement -

Wuxuu ku eedeeyay Alshabaab inay beegsadeen odayaasha, iyadoo Gaari ka horeeyay Gaariga ay qarxiyeen oo Alshabaab ay wateen aanay wax qasaare ah soo gaarin, taasina muujineyso in odayaasha la beegsaday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON