Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qaraxa lagu dilay Odayaal Nabaddoono ahaa oo lagu qarxiyey meel u dhow degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.
Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay Qarixii xalay lagu dilay Nabadoonnada oo ay sheegtay inay ka tageen magaalada Beledweyne, kuna sii jeeday degaannada ay maamusho Al-shabaab, si ay uga soo daayaan dad ay Alshabaab xireen.
Wasaarada ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay saddex Nabaddoon lagu dilay qaraxa, halka mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo Nabadoonadan ay ka soo jeedeen degmada Buuloburde.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda argigixisada ah ee Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Beesha Baadicadde oo kala ah: Nabadoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, Nabadoon Mukhtaar Xaaji, Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, Sidoo kalena lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Qaraxa loo dhigay Nabaddoonada ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ku tilmaantay mid shirqool ah oo loo dhigay, markii ay hore diideen inay geeyaan dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan.

