Thursday, May 2, 2024

Afhayeenka Booliska: “Dheemish ayey ahaayeen Qaraxyadii Caawa, mana jiro wax qasaare ah” (Sawirro)

Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in qaraxyadii caawa ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ay ahaayeen kuwo uu ku tilmaamay Dheemish oo aan wax qasaare ah geysan.

“Caawa abaare 20:20 fiidnimo ayeey argagixisadu sameeyeen arbushaad, Iyagoo Baaruud dheemish ah oo ay Bacyo kusoo qariyeen dhigay Xaafado Magaalada Muqdisho ka tirsan, Kuwaas oo lahaa dhawaaqa Qarax laakiin aan geeysanin wax qasaare dhimasho ama dhaawac ah. Xaaladda Ammaanka Magaalada Muqdisho waa mid daggan, iyadoo ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay wadaan baaritaano dheeraad ah..” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Booliska.

Afhayeenka Boolisk ayaa qiry in qaraxa mid kamida uu waxyeelo u geystay Guri ku yaalla degmada Boondeere ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka gaabsaday cidda ka dambeysay qaraxyadan iyo sida ay ku suuragashay inay fuliyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON