Tuesday, April 30, 2024

Abiy Ahmed oo shaaciyay Qaabka uu ku doonayo inay Itoobiya ku hesho Marinka Badda Cas

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyay qaabka uu ku doonayo inay Itoobiya ku hesho Marin Badeed gaarsiiya Badda cas, kadib heshiiskii muranka dhaliyay ee uu la saxiixday hoggaamiyaha maamulka Gooni u goosadka Somaliland.

Abiy Axmed oo magaalada Kampala uga qeyb galay shika dalalka aan quwadaga waaweyn raacsaneyn ee dhexdhexaadka ah, balse ka baaqsaday shir Madaxeedkii IGAD ee isla halkaasi ka dhacay ayaa khudbad uu jeeiyay ku sheegay in dalalka aan Badaha lahayn ay dhibaato ku tahay inay horumar gaarsiiyaan dadkooda.

“Itoobiya waa inay xal u heahaa Bad la’aanta heysata, iyada oo la raacayo qaab nabadgalyo iyo iskaashi ah, waa inaan ku dhaqaajinaa himiladeena helida Badda” ayuu yiri Abiy Axmed oo magaalada Kampala ka sheegay arrintan xilli ay shirka qeyb ka ahayd Soomaaliya.

Ad

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa ku dooday in waddamada aan Badda lahayn ay dhib ka haysato in ay horumar gaadhsiiyaan dadkooda, Itoobiyana ay heli karto marin Badeed, balse ku shaqeyneyso xal ku dhisan nabadgelyo, iskaashi iyo wadahadal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON