Tuesday, April 30, 2024

Abiy Ahmed: “Nabadda Somaliya waxay Itoobiya ku weynay kumanaan Ciidan ah”

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay qorshaha Itoobiya ku dooneyso in ku hesho Bad iyo is-afgaradka ay la galeen Somaliland.

Isagoo Khudbad ka jeediyay shir muddo afar maalmood ah uga socday Addis Ababa xubna Golaha Dhexe xisbiga barwaaqo ee talada haya dalka Ethiopia ayuu ku adkeystay inaysan Itoobiya marna dagaal la geli doonin Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay doonayan inay heshiis iyo galaangal ku helaan Bad iyo Deked ay gaar u yeeshaan, balse aan dowladda uu hogaamiyo looga shakin karin inay halis ku tahay midnimada Soomaaliya.

Ad

“Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida oo ilaa hadda ku usgan Soomaaliya” ayuu si cad u yiri Abiy Ahmed.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed wuxuu qirtay in sanidihii u dambeeyay nabad raadinta Soomaaliya ay Ethiopia ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale oo naf hurnimadaas oo kale u sameeyay Soomaaliya.

Sidoo kale Go’aan ka soo baxay Guddiga Sare ee xisbiga Prosperity Party ee (PP) ayaa la isku raacay in heshiiskii is-afgaradkii dowladda Ethiopia ay bilowgii bishan la gashay Somaliland ee muranka badan dhaliyay loo bedello mid shaqeyn kara oo ku saleysan mabaa’diida wax is dhaafsi ee dalalka deriska ah.

- Advertisement -

Abiy Ahmed sooma hadal qaadin heshiiskii is-afgarad ee uu la galay Muuse Biixi, kaasoo dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya si caro leh uga hortimid, dalal badanna ay cambaareeyeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON