Dowladda Itoobiya ayaa qoraal u dirtay Qaramada Midoobay, iyadoo dadaal ugu jirta inay ka hortagto kulan ay Dowladda Somaliya ku baaqday inuu Golaha Ammaanka ka yeesho heshiiska gardarrada ah ee Itoobiya la gashay Maamulka Somaliland.
Qoraalka oo uu diray safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay ayuu ku inkiray faragelinta Itoobiya ku dooneyso ina ku qaadato Dhula ka mida Soomaaliya, sida ku caddeyd is-afgaradkii ay 01/01/24 Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen.
Waxay Itoobiya ay ku andacootay in Dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi oo qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee ka dheexayay Somaliland ee dhinaca Badda, ganacsiga, maalgashiga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale Qotaalk dowladda Itoobiya u dirtay Qaramada Midoobay waxay ku sheegtay inay heshiiska is-afgaradka ogeysiisay dowladda Federalka Soomaaliya, taasoo ay hore u beeniyeen madaxda Soomaaliya.
Itoobiya oo olole xoog leh ugu jirta inay baajiso kulan ay Golaha amniga Qaramada Midoobay ka yeelaneyso xiisadda Somaliya iyo Itoobiya ayaa awood ka raadisay go’aankii Golaha Amniga Midowga Afrika oo ay sheegtay inuu arrinka ku jiro, isla markaana u magacaabay Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.
Dowladda Faransiiska oo bishan ah guddoonka Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay hortaagneyd kulanka ay dalbatay dowlada Federaalka Soomaaliya, balse ma cadda in dadaalka cusub ee Itoobiya guuleysan doono.