Sunday, May 5, 2024

Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Duqeyn Mareykanku ka fuliyey Gobolka Sh/Hoose

Taliska Militariga Mareykanka ayaa war uu soo saaray kaga hadlya duqeymo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa gobolka Shabeelada Hoose.

Qoraal ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Beledul-Amiin ee Shabeelada Hoose, taasi oo jawaab  u ahayd isku dayo ay doonayeen Alshabaab in ay weerar ku soo maleegaan.

Waxaa duqeyntaasi oo dhacday Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab, mana jiraan wax qasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Ad

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay duqeymaha iyo howlgalada tooska ah oo lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyaadka Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON