Wednesday, May 1, 2024

XOG ku saabsan Kalkaalisada Jarmalka ah ee Muqdisho lagu afduubtay & Wararkii ugu danbeeyay [Akhriso]

Haweeney u dhalatay Jarmalka oo ah kalkaaliso caafimaad oo u shaqeyneysay Hay’adda ICRC, lagna afduubtay xarunta ururkaasi ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad laga helay.

Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Sonja Nientiet, waxayna Hay’adda ICRC u shaqeyneysay ilaa sanadkii 2014, waxayna kasoo shaqeysay dalalka qalalaasaha ka jiraan sida  Syria iyo the Democratic Republic of Congo.

Toddobaadkan oo ay magaalada Muqdisho timid ayaa la sheegay inay tababar ku saabsan gargaarka degdega ah siineysay Shaqaalaha Soomaaliya ah, waxayna sidoo kale caawineysay bukaanada isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka.

Ad

Wasiirak Arrimaha dibadda Germany Heiko Maas  ayaa ka sheegayay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya in dowladda Germany aysan wax faahfaahin ah ka bixineynin afduubka lagu kacay muwaadinka Jarmalka ah.

 

Gaarigii la sheegay in lagu afduubtay Sonja Nientiet
Gaarigii la sheegay in lagu afduubtay Sonja Nientiet

 

- Advertisement -
Sonja Nientiet waxay Hay’adda ICRC u shaqeyneysay ilaa sanadkii 2014

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in adfuubta ay qorsheeyeen qaar ka mida ilaalada iyagoo Gaari ku ritay, isla markaana la baxsaday, waxaana weli socda baaritaan ay wadaan hay’adaha amniga iyadoo wararku sheegayaan in weli lagu hayo gudaha Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON