Wednesday, May 1, 2024

XOG: Imaaraadka oo heshiiska uu kula wareegay Dekadda Boosaaso ku qancinaya Odayaasha Gobolka Bari

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay wafdi u dirtay Odayaasha Beelaha Gobolka Bari iyadoo xiriir siyaasadeed kala sameyneyso danaha dhaqaale ee Imaaraadka oo salka ku heya dekadda Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Imaaraadka uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Khaliifa, waxaana ay iska dhigeen wafdi dhaqan iyadoo tegay degmooyinka Qardho iyo Badhan, waxayna la kulmeen Boqor Burhaan iyo Suldaan Siciid Cabdisalaan oo ka mida odayasha dhaqanka degaanka.

Xogta laga helay ayaa sheegeysa  in wafdiga Imaaraadka ee tegay Qardho iyo Badhan ay odayaasha ka dhaadhiciyeen inay taageeraan heshiiskii dekadda magaalada Boosaaso oo ay hadda maamusho shirkadda DP World, iyadoo u fidiyey balanqaadyo mashaariic.

Ad

Shirkadda P&O Ports ee hoos tagta DP World ee Imaaraadka ayaa dhibaato kala kulantay maamulka dekadda Boosaaso ee lagu wareejiyey, kadib markii ay Ganacsatada iyo dadka degaanka Bari ay ka hor yimaadeen canshuur kordhin ay ku sameysay badeecadaha kasoo dega dekadda Boosaaso, isla markaana shaqo joojin iyo bannaanbaxyo ay ka dhaceen Boosaaso.

Dekadda Boosaasoa ayaa wixii markaas ka danbeeyay ku shaqeysa waanwaan iyo sicir ay u gooyeen odayaasha Puntland oo ay hormuud u ahaayeen Boqor Burhaan iyo Suldaan Siciid Cabdisalaan December 2017, waxaana badeecadaha dekadda Boosaaso laga soo dejiyo laga qaadaa Tariifo ay si ku meel gaar u soo saareen odayaasha, taasoo caqabad ku noqotay qorshihii Imaaraadka ee dekadda Boosaaso.

Imaaraadka Carabta oo markii ugu horeysay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari u soo maraya danihiisa dhaqaale ayaa adeegsanaya dhaqaale, balanqaadyo mashaariic iyo arrimo kale si shirkadda shirkadda P&O Ports ee maamusha dekadda Boosaasoa ay u bilowdo qorshaheeda.

- Advertisement -

Warar kale ayaa sheegay in dekadda Boosaaso ay ka mid tahay afarta dekadood ee Itoobiya ay qeyb ka noqon doonto maalgelintooda, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay dalka bixin doona dhaqaalaha.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON