Wednesday, May 1, 2024

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada Mooshin ka dhan ah Saldhigga Imaaraadka ee Berbera

Wararka laga helayo qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegaya inuu qoritaanka Mooshin ku saabsan saldhigga Imaaraadka ee magaalada Berbera.

Xildhibaannada ayaa kulankii ugu danbeeyay ee Baarlamaanka u soo jeediyay in laga hadlo arrinta muranka badan dhaliyay ee ka taagan saldhig Imaaradku doonayo inuu ku yeesho magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa diiday dood laga furo saldhigga, iyadoo aanay ku jirin ajendayaasha horyaalla Baarlamaanka, waxaana xildhibaanada lagu wargeliyay inay mooshin ka keeni karaan.

Ad

Tirada xildhibaanada Mooshinka bilaabay ayaa ka badan 30, waxaana lagu wadaa inay maanta gaaraan in ka badan 50 oo  mooshinka u geyn doona Baarlamaanka Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xumaanaya, waxaana imaaraaadku u yeertay safiirkii ka fadhiyay magaalada Muqdisho.

Golayaasha Guurtida iyo wakiilada Somaliland ayaa ogolaaday saldhiga milateri ee Imaaraadka ku yeelanayo Berbera, inkastoo muran weyn ka dhashay qaabka heshiiskaasi u qoran yahay.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON