Wednesday, May 1, 2024

Xildhibaan Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay xaadiray fadhiyada Baarlamaanka muddo 2 sano ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galay oo iska xaadiriyey fadhiga Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka maanta oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa ka qeyb galay tiradii ugu badneyd ee fadhi  caadi ah timaado, waxayna gaartay 178 Xildhibaan, waxaana maanta la filayaa in lasoo gabagabeeyo dooda kulul ee ku saabsan wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay dhamaadkii bishii August, muddo laba sano ku dhowna ahaa xildhibaan dastuuri ah ayey noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu xaadiro fadhiga Baarlamaanka, waxaana dhowaan lacag boqolaal kun oo mushaar iyo Gunno ah siiyey xukuumadda Soomaaliya.

Ad

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Xasan Sheekh loo caleemo saaro isbaheysi xisbiyo la baxay UPD oo muddo lix bilood ah uu si KMG ah u hoggaamin doono.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON