Tuesday, April 30, 2024

Xildhibaan Fiqi: “Dowladii Soomaali oo dhan soo dhoweeyeen waxaa loo ekeysiiyey mid shakhsiyaad leeyihiin..”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaanada mucaaradka ah ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sanadkii uu xilka hayay Madaxweyne Farmaajo ku sifeeyay mid uu hareeyay buuq iyo jahawareer.

Isagoo qiimeyn ku sameeyay sanadguurada koowaad ee ka soo wareegay sideedii Febraayo, habeenkii sida weyn ay Soomaali oo idil u soo dhoweysay ee la doortay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu sheegay  xildhibaanka inuu aragtidiisa ku qiimeynayo dowladda afaroo  ka mid ahaa ballanqaadyadii madaxweynaha, kuwaasoo kala ah: 

1. Siyaasadda (gudo iyo dibad).

Ad

2. Amniga (dhismaha ciidanka & ka hortagga weeararada argagixisada).

3. Cadaaladda (habaynta garsoorka & la dagaalanka cadaalad darada) &

4. Dhaqaalaha (la dagaalanka musuqa & kordhinta dakhliga).

- Advertisement -

“Sanadkii la soo dhaafay oo bilow u ahaa Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ahaa sanad buuq & jahwareer siyaasadeed ku soo idlaaday, welina dhacdooyinka qaarkood aysan la dhammaan doonin sanadkaas, oo ay u baahan yihiin in sharaxaad cad laga bixiyo, umadda Soomaaliyeedna loo cudurdaarto..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo ku dooday in dowladda Farmaajo ay shaqsiyaad u gacan gashay.

Xildhibaanka ayaa xaaladda dowladda ku sifeeyay mid laga naxo, isagoo yiri: “Waxaa intaas ka sii naxdin badan in dawladdii bilashadeeda dadka Soomaaliyeed ay soo wada dhoweeyeen, una heysteen mid ay wada leeyihiin loo ekeysiiyey mid shakhsiyaad ama koox kaliya ay leedahay, una shaqeysay sidaas, ayadoo dawladdii ay ka magac weynaadeen shakhsiyaad kuwaasoo bedelay mu’assasaadkii dawladnimo ee rajada laga qabay in laga shaqeysiiyo…”

Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inuu heysto fursad kale oo lagu sixi karo qaladaadkii maamulkiisu galay sanadkii la soo dhaafay, dibna wadada loogu soo celin karo hanaankii dawladnimo, balse ay ayaandarro noqonayso haddii wadadii hore lagu sii socdo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON