Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in shaqadii laga joojinayo weriyeyaasha ka socda TV-ga iyo Idaacadda dowladda.
Madaxtooyada ayaa lagu wadaa inay yeelato qof si rasmi ah uga tirsan shaqaalaha madaxtooyada oo howshan warbaahinta qaban doona, kadibna saxaafadda kale uga warbixiya, lana wadaaga wararka xafiiska madaxweynaha.
Arrintan ayaa ka danbeysay khaladaad ka yimid weriyeyaasha ka socda warbaahinta dowladda oo ka dhacay madaxtooyada, kuwaasoo ay ka mid yihiin in la waayo weriyeyasha marka loo yeero ama ay qaateen waqti badan, waxaa kaloo khaladkaasi kasoo if baxay magacaabidii Ra’iisal wasaaraha oo dhacay xilli aroor hore ah.

Qorshahan oo uu wato agaasimaha cusub ee warfaafinta madaxtooyada C/nuur Maxamed oo ah wiil dhalnyaro ah oo ku cusub shaqada ayaa go’doomin doona Warbaahinta dowladda, lamana oga inuu dhaqan geli doono iyo sida ay ka yeeli doonto Wasaaradda Warfaafinta.
Goobjooge.com