Tuesday, April 30, 2024

Wasiir ka tirsan UK oo Muqdisho ku yimid booqasho aan la shaacin [Yuu la kulmay..? -SAWIRRO-]

Wasiir ka tirsan dowladda UK ayaa booqasho aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho, isagoo kulamo kala duwan la yeeshay wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dhinacyo kale.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee u qaabilsan Afrika Rory Stewart ayaa xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ay ka mid yihiin wasiirada Amniga Maxamed Abuukar Islow, Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Wasiirka ka socday UK ayaa sheegay inuu madaxda Soomaalida kala hadlay dib u habeynta hay’adaha ammaanka si ay dowlada Soomaaliya awood ugu yeelato inay nabadgelyo u abuurto dadkeeda.

Ad

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Federaalka, waxaana Rory Stewart uu sidoo kale tegay magaalada Hargeysa ayaa la kulmay kusimaha madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Seylici, isagoo qaar ka mida warbaahinta Muqdisho wareysi ku siiyay xarunta safaaradda UK ee Muqdisho ee ku dhex taalla Xalane, intii aanu dalka ka dhoofin.

SAWIRRO

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON