Wednesday, May 1, 2024

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka digtay Muddo kororsiga Madaxda maamul Goboleedyada [War-saxaafadeed kulul]

Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay dowlad goboleedyada ay doorashooyinku ku soo fool leeyihiin inay kala shaqeyneyso sidii ay habsami u dhici lahayd.

Wasaaradda Arrimaha gudaha waxay ugu baaqday  in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay, waxayna baaq u dirtay madaxda maamulka Galmudug.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

War saxaafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeeraalaynta iyo Dib-u-Heshiisiiinta Dimoqraadiyaynta iyo Federaalaynta Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Dhamaad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON