Wednesday, May 1, 2024

Wararkii ugu danbeeyay Diyaarado Mareykan ah oo duqeeyay Saldhig Alshabaab ku lahaayeen J/Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaraadaha dagaalka Mareykanka ay weerar duqeyn ah ka fuliyeen  Tuulada Baqdaad ee degaanka Degaanka Hoosingow.

Duqeyntan oo dhacday saqdii dhexe ee xalay kadib ayaa lala beegsaday Saldhig Al-shabaab ay halkaas ku lahaayeen, waxaana la soo weriyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh inuu soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa shan Gantaal lagu weeraray saldhigga Al-shabaab ee Tuulada Baqdaad, Diyaaradaha aan Cidna wadin ee Drone-ka Mareykanku ayaa la sheegay inay geysteen weerarka.

Ad

Mareykanka ayaa si weyn u kordhiyay weerarrada dhinaca cirka ee uu ku qaadayo saldhigyada alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo ciidamo ka badan 500 askari ay hadda ka joogaan Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON