Wednesday, May 1, 2024

Ururrada Bulshada oo ka hor yimid magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka & Hay’adda Batroolka

Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ka hor yimid magacaabidda Golaha Wasiirada ee xilka sii haya ay shalay ansxiyeen Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay Isu-tagga Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, loona diray Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in xukuumadda xilka sii heysa uu Golaha Baarlamaanka kalsoonida kala noqday 25-kii July 2020, isla markaana ay fulin karto oo kaliya shaqada maamul maalmeedka ee dowladda, balse aysan awood sharci aysan u lahayn magacaabid jagooyin waaweyn sida xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Waxay ururrada Bulshada Rayidka ku baaqeen in in magacaabidda Guddiyadan muhiimka ah loo dhaafo xukuumadda soo socota si aysan magacaabiddan caqabad ugu noqon geedi socodka dowlad dhisidda.

Ad

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON