Wednesday, May 1, 2024

Ururka Qareenada oo Dacwad kusoo oogaya Wasiir Beyle iyo Xeerka uu soo saaray ee Ujuurada Maxkamadda (Akhriso)

Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inay Dacwad Maamul kusoo oogayaan Sii-hayaha Wasiirka Maaliyada xukuumadii dhacday ee C/raxmaan Ducaale Belye iyo xeer uu soo saaray oo lacago kusoo rogaya Shaqada Garsoorka Dalka, Qareenada iyo Dacwad furashada.

Xeerkan oo lagu magacaabo ‘Xeerka ajuurada Maxkamadaha’ ayaa soo baxay 20/09/2020, waxaana ku saxiixan Wasiirka Maaliyadda ee xilka si haya, Waxayna Qareenadu sheegeen in Xeerkasi ay ahayd inay soo saarto Wasaaradda Garsoorka, la marsiiyo Golaha Wasiirada, kadibna Baarlamaanku ansixiyo.

Qareen Cabduqaadir Maxamed Muuse ayaa sheegay in Guddiga Qareenada Soomaaliyeed ay Guddi 9 xubnood ah u saareen Xeerka, ayna Dacwad Maamul ka dhan ah Sii-hayaha Wasiika Maaliyadda iyo xeerka uu soo saaray u gudin donaan Maxkamadda Sare ee dalka oo awood u leh.

Ad

Afhayeenka ururka Qareenada Soomaaliyeed Abuukaate Cali Xalane ayaa isna caddeeyay in Xeerkan uu Garsoorka Dalka ka dhigayo il dhaqaale, kana leexinayo Cadaaladii ay ahayd in dadka si fudud ku helaan.

Xeerka wayaa waxaa ku cad tariifooyin lacageed oo laga rabo qof kasta oo furaya dacwad, waxaana u yar dacwad madani ah oo qofkii furanaya laga doonayo lacag dahn $200. Sidoo kale wuxuu ruqsada qareenada ka dhigayaa 500 Dollar ,iyo sanad kasta o laag rabo cusbooneysiin 300 Dollar ah.

Xilliga uu xeerkan soo saaray Wasiir Beyle ayaa ahaa sii-haye, taasoo sharci ahaan aanu awood u lahayn inuu xeer noocaasi ah soo saaro, wuxuuna xeerkani ka mid yahay xeerar, magacaabid, iyo shaciyo ay meel mariyeen wasiiradii xukuumadda xilka sii heysay.

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO XEERKA AJUURADA MAXKAMADAHA EE WASIIR BEYLE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON