Wednesday, May 1, 2024

Soomaali muddo dheer sharci darro ugu xirnaa Talyaaniga oo Magdhow ahaan u helay Lacag ka badan 3 Milyan Euro

Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano si sharci darro ah ugu xirnaa Xabsiyada dalka Talyaaniga ayaa helay magdhow lacageed, kadib markii denbi lagu waayey markii danbe.

Dowladda Talyaaniga ayaa siineysa magdhaw lacageed oo dhan 3 Milyan oo Euro Ninka lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan oo ah Soomaali ah, horeba loogu soo eedeeyay inuu magaalada Muqdisho ku dilay Gabar Wariye Talyaaniga ah  iyo Sawirqaade la socday  sanadkii 1994-tii.

Gabadha weriyaha ahayd ee Ilaria Alpi iyo Sawirqaade Milan Hrovatin ayaa u shaqeynayey Warbaahinta RAI ee dalka Talyaaniga, iyadoo markii dilkaasi lagu soo eedeeyay uu xabsiyada dalkaasi ku qaatay 17 sano intii aanay Maxkamadda Magaalada Rome ku weynin denbigii loo heystay, wuxuuna hadda helayaa acag dhan 3,181,000 Milyan Euro.

Ad

Waxaa Xaashi la sii deeyay October 2016-kii, kadib markii Qareennadii u doodayey ay ku guuleysteen inay caddeeyeen inuusan gelin denbigiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON