Tuesday, April 30, 2024

Shirkii Dalalka Islaamka ee Turkiga oo lagu dalbaday in Ciidamo ilaaliya loo diro Dadka Reer Falastiin

Shirkii degdega ahaa ee dalalka Muslimka oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa;aha spp saaray baaq  ku saabsan in la dhiso ciidammo caalami ah oo ilaaliya Dadka Falastiiniyiinta.

Shirkan degdega ah ee madaxdaasi yeesheen ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidammada Israa’iil aoo Turkigu isugu yeeray kadib bannaabaxyadii ka dhacay Marinka Gaza ee ciidamada Isreal ku dileen 61 qof oo toddobaadkii hore ayaa si weyn loogu cambaareeyay doorka Mareykanka oo la sheegay inuu noqday mid dembiga la wadaaga Yuhuudda..

Bayaanka Shirka ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa uu ku eedeeyay Israa’iil inay si arxandarro ah u laysay shacab Falastiiniyiin ah oo aan hubeysneyn, isla markaana dembiyo dagaal oo waaweyn ay gashay iyadoo heysta dhulka Falastiin.

Ad

Ururkan dalalka Islaamka oo ay ku jiraan 57 dal ayaa sheegay in dadka Falastiiniyiin  u baahan yihiin ciidamo ilaalo caalami ah oo ilaaliya, waxyana  ku baaqeen in la dhiso  dhulka reer Falastiiniyiinta.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qeybqaatay dilalka loo gaystay Falastiiniyiinta iyo inuu dowladda Israa’iil ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON